Madaxweynaha Puntland oo booqanaya Fariisimaha Ciidamada Degmada Qandala.

Moos Bukeeni January 9, 2017 Comments Off on Madaxweynaha Puntland oo booqanaya Fariisimaha Ciidamada Degmada Qandala.
Madaxweynaha Puntland oo booqanaya Fariisimaha Ciidamada Degmada Qandala.

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Wefdi uu hogaaminayo ayaa maanta booqanaya Degmada Qandala ee Gobalka Bari.

Madaxweynaha ayaa safarka socdaalkiisa waxaa ku wehlinaya Xubno ka tirsan Golaha Wasiiradda Dowlada- Maamulka Gobalka Bari iyo Saraakiisha Ciidamada.

Ciidamo ka tirsan kuwa Amniga Dowlada ayaa suga Amniga guud ahaan Degmada Qandala iyo Degaanada ku Xeeran inta uu soconayo boqashada uu Madaxweynaha halkaasi ku joogo.

Madaxweynaha ayaa tagi doona Fariisimaha ciidamada Puntland ay ku leeyihiin Degmadaasi Qandala halkaasi oo ay dhawaan la wareegeen Maleeshiyo ka tirsan Kooxda Daacish.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa Warbaahinta kula hadli doona Degmada Qandala isagoo ka war bixin doona Waxyaabaha uu degmada ku arkay.

Socdaalkan ayaa waxaa uu yahay mid maalmahan la qorsheynayay iyadoo inta badan Madaxweynaha dadka degaanka kala hadli doono Xaaladaha Amniga iyo Abaaraha halkaasi ka jira.






|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

-- Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com --

Comments are closed.