Madaxweyne ku xigeenkii Ahlu Suna oo xilka laga Qaday.

Moos Bukeeni January 9, 2017 Comments Off on Madaxweyne ku xigeenkii Ahlu Suna oo xilka laga Qaday.
Madaxweyne ku xigeenkii Ahlu Suna oo xilka laga Qaday.


War Qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Maamulka Ahlu Suna ee Gobolada dhexe Somalia ayaa lagu sheegay in xilka looga qaaday Mid ka Mid ah Madaxweyne ku xigeenada Maamulkaasi.

Madaxwweyne ku xigeenka laga qaaday ayaa waxaa lagu magacaabaa Saadaq Sheekh Yuusuf iyadoo aan ilaa iyo hada la ogeyn sababta xilka ka qaadistaasi loogu sameeyay.

Xilka ka qaadista lagu sameeyay Masuulkaasi ka tirsanaa maamulka Ahlu Suna ee gobolada Dhexe Somalia waxaa warbaahinta u sheegay Muxidiin Cali Jimcaale oo dhinaca Warbaahinta u qaabilsan Maamulka gobolada dhexe.

Ma jiro Wax faahin faahin dheeraad ah oo ku saabsan sababta loo cuskaday Masuulkaasi xilka qaadista lagu sameeyay.

Dadka indha Indheeya Arimaha Maamulka Gobolada Dhexe ayaa sheegaya in Masuulka xilka ka qaadista lagu sameyay uu ka mid aha xubnaha ugu fir fircoon Maamulkasi.

Dhinaca Kale Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Saadaq Sheekh Yuusuf ee ku aadan Aragtidisa ku aadan xilka ka qaadistaasi lagu sameeyay.






|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

-- Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com --

Comments are closed.