Maxaa ka Cusub Magaalada Gaalkacyo.

Moos Bukeeni January 9, 2017 Comments Off on Maxaa ka Cusub Magaalada Gaalkacyo.
Maxaa ka Cusub Magaalada Gaalkacyo.




Wararka ka imaanaya Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobalka Mudug ayaa sheegaya in halkaasi uu maanta ka bilowday howlgalo amaanka lagu xaqiijinayo.

Ciidamo ka tirsan kuwa Amniga ee halkaasi ku sugan ayaa ku daadsan wadooyinka laamiga ah ee magaalada gaalkacyo iyagoo halkaasi baaritaano deg deg ah ka bilaabay.

Sidoo kale ciidamada baaritaanada bilaabay waxaa lagu soo waramayaa in ay dadka mid mid u baarayaan gaadiidka dadweynaha iyo midka caadiga caadiga ahna baaritaan ku sameynaya.

Masuuliyiin ka tirsan maamulka gobalka Mudug ayaa warbaahinta u shegay in muhiimada howlgaladan ay tahay mid la doonayo sidii amniga magaalada loo xaqiijin lahaa.

Wararka qaar ayaa sheegaya in la qabo shakiyo ku aadan in ay jiraan kooxo dhalinyara ah oo doonaya in ay Amniga magaalada Gaalkacyo qal qal geliyaan.






|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

-- Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com --

Comments are closed.