Norwey oo qarka u saaran iney joojiso Indha shareerka

FIVE STAR January 9, 2017 Comments Off on Norwey oo qarka u saaran iney joojiso Indha shareerka
Norwey oo qarka u saaran iney joojiso Indha shareerka




Oslo-(Raad Raac News)-Wargeyska Dagen ee ka soo baxa Dalka Turkiga ayaa daabacay in qaar ka mid ah Xisbiyada ugu tunka roon Dalka Norwey ay u ololeynayaan Mabnuucidda Niqaabka.

Guddiga Joogtada iyo xubnaha Baarlamanka ugu jra Xisbiga Sp ayaa doonaya in Indhashareerka gebi ahaanba laga mabnuuco goobaha ay Bulshada isugu timmaaddo.

Xog ay uruurisay Jariiradda Dagbaladet ee kasoo baxda Magaalada Oslo ayaa lagu sheegay in Afartii Qof ee Noweyjiyaan ahiba Saddex ka mid ihi ay rabaan in la joojiyo xirshada indha shareerka.

Sidoo kale Xisbiyada Ap,Venstre,SV,Frp iyo SP ayaa Sanaddii hore weydiistay Baarlamanka Dalkasi Norwey inuu mabnuuco qaadashada Indhashareerka ama Niqaabka,taasoo laga yaabo in Sanadkan laga soo saaro go’aanno kama dambays ah.

Raad Raac News






|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

-- Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com --

Comments are closed.