Ronaldo oo ku guuleystey abaalmarinta Xiddiga ugu wanaagsan caalamka(Sawiro)

FIVE STAR January 9, 2017 Comments Off on Ronaldo oo ku guuleystey abaalmarinta Xiddiga ugu wanaagsan caalamka(Sawiro)
Ronaldo oo ku guuleystey abaalmarinta Xiddiga ugu wanaagsan caalamka(Sawiro)




Xiddiga xulka qaranka Portugal iyo kooxda Real Madrid ee  Cristiano Ronaldo ayaa ku guulaystay abaal marinta xiddiga aduunka ugu fiican ee The Best FIFA Men’s Player of the Year wuxuuna abaal marintan kaga guulaystay xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi oo xafladan ka maqnaa iyo Antoine Griezmann oo ka tirsan kooxda Atletico Marid.

Cristiano Ronaldo oo bishii December ku soo guulaystay abaal marinta Ballon d’Orka ee ay France Football bixisay ayaa markale hantay abaal marinta xiddiga aduunka ugu fiican ee ay FIFA si gaar ah sanadkan u bixisay kadib markii ay kala baxeen France Football oo dib ula noqotay abaalmarinteedii Ballon d’Orka.

Markii uu abaalmarintan ku guulaystay ayuu Ronaldo markale ku celiyay in sanadkii 2016 uu ahaa sanadkii waayihiisa ciyaareed ugu fiicnaa. Ronaldo ayaa kooxdiisa Real Madrid kula soo guulaystay koobabka UEFA Champions Leaque, UEFA Super Cup iyo Club World Cupka halka uu xulka qarankiisa Portugal la soo qaaday koobka qaramada Yurub ee Euro 2016.

Cristiano Ronaldo ayaa yiri: “Waa waxaan caadi ahayn, ma aha markii ugu horaysay, laakin markii ugu horaysay abaal marintan. Ugu horayn waxaa waajib igu ah in aan u mahad celiyo ciyaartoyda aanu isku kooxda nahay ee Real Madrid iyo tababaraha Real Madrid. Waad ku mahadsan tihiin wax kasta oo aad aniga ii qabateen. Sidoo kale waxaa igu waajib ah in aanu u mahad celiyo qoyskayga, walaaladay, hooyaday iyo dhamaan shaqaalahayga  oo boqolkiiba boqol wax kasta aniga ii qabtay”.

gusha-robald-6

gusha-robald-4

gusha-robald-3

gusha-robald-1

gusha-robald-2

gusha-robald-5






|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

-- Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com --

Comments are closed.