(Sawiro)-Madaxweynaha Gal-mudug oo ka hadlay Mooshinkii laga keenay.

Moos Bukeeni January 11, 2017 Comments Off on (Sawiro)-Madaxweynaha Gal-mudug oo ka hadlay Mooshinkii laga keenay.
(Sawiro)-Madaxweynaha Gal-mudug oo ka hadlay Mooshinkii laga keenay.

Garoonka Diyaaradaha Magaalada Cadaado ee Xarunta Ku meelgaarka ah ee Maamulka Gal-Mudug waxaa si weyn loogu soo dhaweeyay Madaxweynaha Maamulka Gal-Mudug Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Garoonka Diyaradaha oo lagu soo dhaweynayay Madaxweynaha Waxaa ku sugnaa Gudoomiyaha Maxkmadda Sare ee Maamulkaasi .

Sidoo kale Xubnaha ku sugnaa Gudaha Garoonka waxaa ka mid ahaa Madaxweyne ku xigeenka Maamulkasi Senatar Abshir Buqaari iyadoo dadweyne fara badan oo ka mid ah shacabka magalada cadado ay Madaxweynaha soo dhaweeyeen.

Madaxweynaha ayaa markii la soo dhaweyay ka dib waxaa uu la hadlay bahda warbaahinta waxaana uu sheegay in aan loo baahneyn xiligan la qal qal geliyo Amniga Magaalada Ciidamadana uu amar ku siiyay in ay la dagalamaan cid kasta oo amni wax u dhimeysa.

Sidoo Kale Madaxweyne Guuleed wuxuu sheegay in wax uu wax laga xumaado ku tilmaamay mooshinkii ay ka keeneen xildhibaanada Golaha Baarlamaanka Mamulkaasi.

 






|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

-- Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com --

Comments are closed.