Tirada dadka ku dhintay Qaraxyadii Muqdisho oo sii Kordhaya.

Moos Bukeeni January 8, 2017 Comments Off on Tirada dadka ku dhintay Qaraxyadii Muqdisho oo sii Kordhaya.
Tirada dadka ku dhintay Qaraxyadii Muqdisho oo sii Kordhaya.




waxaa sii kordhaya Qasaaraha ka dhashay Qaraxyo habeenimadii xalay ahaa ka dhacay Magaalada Muqdisho iyadoo inta badan waxyeelada qaraxyadu ay u badnaayeen dadka shacab ah.

dhaqaatiirka Caafimaadka Cisbitaalada Magaalada Muqdisho ayaa warbaahinta u sheegay in ugu yaraan shan ruux ku dhinteen qarax ka dhacay Isgoyska Tarabuunka Degmada Hodan ee Gobalka Banaadir.

Qaraxyada ayaa ka wada siinaa Miinooyinka dhulka hoostiisa lagu Aaso waxaana la dhigay mid ka mid ah Maqaaxidaha Canka ah oo ay dadka shacabka iyo Ciidamada Dowlada isugu yimaadaan.

Masuliyiin ka tirsan Maamulka Gobalka Banaadir ayaa warbaahinta u sheegay in ay wadaan baaritaano ku aadan sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa shaqsiyaadkii ka dambeeyay Qaraxyadaasi iyo dhibaateynta dadka shacabka ah.

Hase ahaatee Qaraxyada ismiidaaminta ah iyo kuwa Meelaha fog fog laha hago waxaa muqdisho ka fuliya Maleeshiyadda Kooxda Al-shabaab oo la Dagaalamaya Dowlada Somalia iyo Ajnabiga ku sugan muqdisho.






|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

-- Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com --

Comments are closed.