Wasiir ku xigeenkii howlaha guud iyo gaadiid Puntland oo xilka iska Casliay.

Moos Bukeeni January 10, 2017 Comments Off on Wasiir ku xigeenkii howlaha guud iyo gaadiid Puntland oo xilka iska Casliay.
Wasiir ku xigeenkii howlaha guud iyo gaadiid Puntland oo xilka iska Casliay.

Shir jaraa id uu maanta Magaalada Garowe ee Xarunta Puntland uu ku qabtay Cabdiraxmaan Yuusuf Faarax (Dujaana) Wasiir ku xigeenkii Wasaaradda Howlaha Guud waxaa uu ku dhawaaqay inuu gebi ahaanba xilkaasi iska casilay.

Ujeedka ugu weyn ee Wasiirka uu ku tilmaamay inuu xilkaasi isaga casilay waxaa uu ku tilmamay in ay tahay cadaadis xoogan oo kaga yimid beeshiisa.

Sidoo kale Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Faarax Dujaana wuxuu sheegay in beesha uu kursigan ugu fadhiyay ay xubinimadii ka waysay xildhibaanadii Aqalka Sare Dowlada Somalia ee dhawaan lagu doortay  Magaalada Garowe.

Wasiirka ayaa sheegay in Dowladu ay ku dhisan Nidaamka habka wax qeybsiga beelaha ee 4.5 taasina ay keentay in cadaadis dhinaca beeshiisa ay ku timid inuu gebi ahaanba xilkaasi ka tago.

Halkan Hoose ka dhageyso Codka Wasiirka.







|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

-- Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com --

Comments are closed.