Xasan sheekh oo walaac ka muujiyay xaaladda Siyaasadeed ee Galmudug

FIVE STAR January 10, 2017 Comments Off on Xasan sheekh oo walaac ka muujiyay xaaladda Siyaasadeed ee Galmudug
Xasan sheekh oo walaac ka muujiyay xaaladda Siyaasadeed ee Galmudug




Muqdisho-(Raad Raac News)-Sii hayaha xilka Mdaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka digay xasillooni darro siyaasadeed oo xiligaan ka dhacada degaannada Dowladda Goboleedka Galmudug.

Xasan Sheekh ayaa sheegay inaan xilligaan la aqbali karin khalalaase siyaasadeed oo dhexmara Xildhibannada iyo Madaxda dowlad Gobolleedka Galmudug ,

Wuxuu sidoo kale tilmaamay iyada oo la ilaalinayo ,Habraaca Baarlamaanka Galmudug ,islamaraana la dhowrayo fasaxii ay ku jireen Xildhibaannada iyo Dastuurka Galmudug in la qaboojiyo xaaladda.

54 Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Galmudug ayaa kalsoonida kala laabtay Madaxweynaha Galmudug C/kariin Guuleed, kaddib mooshin ay ka soo gudbiyeen.

Xasan Sheekh ayaa ugu dambayn ku baaqay in la tixgeliyo daruufaha gaarka ah ee ka jira degaannada Galmudug, sida abaaraha iyo dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

RaadRaac News






|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

-- Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com --

Comments are closed.