80 Arday oo baratay Cilmiga Caafimaadka, Maamulka, Maaliyadda iyo Computerka oo ku qalinjibiyay Gaalkacyo Sawiro

Faarax February 3, 2017 Comments Off on 80 Arday oo baratay Cilmiga Caafimaadka, Maamulka, Maaliyadda iyo Computerka oo ku qalinjibiyay Gaalkacyo Sawiro
80 Arday oo baratay Cilmiga Caafimaadka, Maamulka, Maaliyadda iyo Computerka oo ku qalinjibiyay Gaalkacyo Sawiro

Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo ay qalinjebinayay arday wax ku baratay Vision  International College ayaa ka dhacday Hoolka Jaamacada GSU ee magalada Galkacyo.

Ardayda ka qalinjebisay Vision International college  xaruntiisa magalada Galkacyo ayaa tiradooda aheyd 80 arday iskugu jiray wiilal iyo gabdho kuwaasoo bartay  Public health, Project management, Community development, Financial management, English Program iyo qeybta computer IT & Human Resources management.

Munaaasbadan qalinjebinta ayaa waxaa ka soo qeubgalay  masuliyiin kala duwan Sida Gudoomiyaha Gobalka Mudug  Xasan Maxamed Khaliif abgalow, Duqa degmada Galkacyo Maxamud Yasin Tumey, Agaasimaha Diinta & Oqaafta,isu duwaha  Wasaarada Caafimadka, gobolka mudug C/naasir Macalin Ibrahim,dhaqaatiir, Waaladiin,maamulka iyo macaliiinta Vision International  college & qeybaha kala duwan bulshada.

Ugu horeyn waxaa gobta xafalada Ka hadlay maamulaha Vision International College C/llahi Xirsi Goobe isagoo sheegay in Machadkan yahay Caalami islamarkaana Xariir la leeyahay Jaamacado dalka gudihiisa iyo dibadiisa.

Sidoo kale waxaa ka hadlay Munaasabadan maamulka degmada Galkacyo & maamulka gobalka mudug Aqoonyahano  & Dhaqaatiir dhamaantoodna waxay Tahniyad & Boogaadin u soo jeediyeen maamulka Machadka Vition Colege & ardaydii nasiibka u yeelatay in ay ka qalin jebiyaan qeybaha kala duwan.

Dufcadan ayaa noqoneysa dufcadii labaad ee ka qalin jebiso Vision International Colleg Faraciisa Galkacyo.

Wajiyada ardayda manta nasiibka u yeelatay in ay ka qalin jebiyaan ayaa wajiyadooda laga dheehan karay Farxad & Reen reen.

Machadka Vition Internal Colleg  ayaa xariir dhaw la leh Jaamacadaha dalka iyo dibadiisa.

Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo ay qalinjebinayay arday wax ku baratay Vision  International College ayaa ka dhacday Hoolka Jaamacada GSU ee magalada Galkacyo.

Ardayda ka qalinjebisay Vision International college  xaruntiisa magalada Galkacyo ayaa tiradooda aheyd 80 arday iskugu jiray wiilal iyo gabdho kuwaasoo bartay  Public health, Project management, Community development, Financial management, English Program iyo qeybta computer IT & Human Resources manageme nt.






|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

-- Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com --

Comments are closed.