Cabsi xoogan oo ka taagan Degmada Xarardheere ee Gobalka Mudug.

Moos Bukeeni February 14, 2017 Comments Off on Cabsi xoogan oo ka taagan Degmada Xarardheere ee Gobalka Mudug.
Cabsi xoogan oo ka taagan Degmada Xarardheere ee Gobalka Mudug.


Wararka ka imanaya Degmada Xarar dheere ee Gobalka Mudug ayaa sheegaya in halkaasi ay maanta ka taagan tahay cabsi xoogan oo soo foodsaartay dadka shacabka ah ee halkaasi ku dhaqan.

Cabsidan ayaa waxay ka dambeysay ka dib markii ciidamo ka tirsan Komaandooska Dowlada Somalia iyo kuwa Maamulka Gal-Mudug ay ku dhaqaaqeen Degaankaasi.

Diyaargarow xoogan oo ku aadan sidii halkaasi looga saari lahaa Maleeshiyada Kooxda Alshabaab oo ka soconayay Degaanada gobolada dhexe ayaa markii dambe isugu biyo shubtay sidii degaankaasi loo weerari lahaa.

ka hor inta aan dhicin duulaanka ka dhan ah Maleeshiyada Kooxda Al-shabaab aya ka hor ciidanka Komaandooska Dowalda Somalia iyo Maamulka Gal Mudug waxay gacanta ku dhigeen deegaanada Camaara iyo Bacaadweyn ee Gobolka Mudug.

Inta badan Sarakiishii Maleeshiyadda Kooxda Al-shabab ee Degaanka ku sugnaa ayaa isaga baxay gudaha Degmada Xarardheere iyadoo ilaa iyo xiligan aanu jirin wax dagaal ah oo halkaasi ka dhacay balse ay cabsi xoogan ka jirto.






|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

-- Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com --

Comments are closed.