Dhacdooyinkii Layaabka Lahaa Ee Doorashada Somalia “Qormo”

Faarax February 9, 2017 Comments Off on Dhacdooyinkii Layaabka Lahaa Ee Doorashada Somalia “Qormo”
Dhacdooyinkii Layaabka Lahaa Ee Doorashada Somalia “Qormo”


Rabbi weyne koreeye waxaan ka baryayaa inuu abaaraha baahsan inaga soo jabiyo nimcadiisana inoo shubo. Aamiin Aamiin

8 Febraayo waxay ahayd maalin weyn oo taariikhi ah ayna wada dareensan yihiin sansaankeedii guud ahaan shacbiga soomaliyeed meelkasta oo ay joogaan , ugu dambayntii waxaa dhacday doorashadii lawada sugaayay iyada oo ay dhaceen dhacdooyin layaabadaana waxaana kamid ahaa

Farmaajo

Farmaajo wuxuu ahaa shaqsi ku ololaynaayay danta dalka iyo dadka isaga oo badiba hantay qalbiyada dadka halkaas oo uu ku noqday rabitaankii bulshada soomaliyeed kadib markii ay ka dhex arkeen danno badan oo faaido nololeed uleh qarankeena burburka ah.

Siyaasigan afka gaaban ayaa ku ololeeyay isaga iyo waaxdiisii ololuhuba in loo codeeyo hagar laaan sidaas oo ay baarlamaankii Somalia kaga hanteen kalsoonidoodii intii badnayd.

Suuragalkii

Doorashadan waxaa suura galiyay inay sidan isbedelka ah u dhacdo hal qodob oo haa in shacabku kadaalay dhibka madaxda intii xildhibaano fayoobaana ay keliya u codeeyeen kii ugu dhawaa danta dadka iyo dalka.

mida labaad ee suuraha ka dhigtay soo baxa isbedelkan lagu qanacsanyahay ayaa ahayd badiba dhalinyarada tirrada ah ee kujira xubnaha baarlamaanka oo la odhankarro way ka tudhaale badan yihiin qolyihii horre isbedelkuna wuxuu ku qotomay isbedel mishiinka dhalinyarada ku guuxaya.

Tanaasulkii

Waxaa wareega 2aad usoo baxay 4 muddane halkaa oo uu si kalsooni leh u tanaasulay cumar cabdirashiid oo helay 37 cod isla wakhtigaas oo uu kusii ololeeyay in xildhibaanadii taabacsanaa ay garanayaan halka ay farta ku fiiqaan iyo dooraalkoodaba.

Wareegii 2aad haddana waxaa fooda is darray 3 musharax halka sh.shariif ku hadhay keenayna cod aan usaamaxayn sii socod marka loo fiiriyo dastuurka.
Taas oo keenaysay in xildhibaanadii taabacsanaa sh.sharif ay iyaguna taageerayeen farmaajo oo markaan ay heshiis hoose ahaayeen sharifka hadii doorashadu sii soconlahayd

Geesi nimadii

Madaxweynihii horre ee Somalia xasan sh maxamuud ayaa qaatay goaan geesinimo sarre leh kadib markii uu goaan qadhaadh ku gaadhay tanaasul kaas oo ka diideen xoogay xildhibaanadii taabacsanaa balse uu ku adkaystay calool adayg iyo war taariikheedna uu buuga ku dhigtay.

Xasan isaga oo jaanis u haysta u gudubka tartanka wareega 3aad oo ay isugu soo hadheen isaga iyo farmaajo ayuu qaatay goaankan sidaana wuxuu ku hambalyeeyay farmaajo oo markaan haystay 184 cod halka uu isna ka haystay 87 cod oo ay ka heleen wareega 2aad.

Goaankan ayaa ahaa kii ugu xiiisaha badnaa ee goobtii doorashada iyo quluubta soomalidaba ka dex dhacay maantana waa ku boqranyahay waana ku amaanan yahay xasan sheikh muujinta somalinimada iyo rajjo noolaynta shacbigeena sida uu tuhmaayay loo yeelay.

Waxaan kusoo gebogabaynayaa xildhibaanadeenii dorrte kii loo hanweynaa ee tuhunku ku maqnaa laysna lahaa wax buu tarri ee waynu eegi halkuu wax geeyo iyo wuxuu qabtaba .

Inshaalaah taariikhdu iyada ayaa is qorta wakhtiguna waa mishiin dheeraya
Alle hayna Guuleeyo

………Wabilaahi Tawfiiq……

 W/Q: Haldoor Ismail Mohed Aden-Dhicir






|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

-- Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com --

Comments are closed.