Dhagar qabe dhulka la dhaqaaaqa! “QORMADA MAANTA”

Faarax February 15, 2017 Comments Off on Dhagar qabe dhulka la dhaqaaaqa! “QORMADA MAANTA”
Dhagar qabe dhulka la dhaqaaaqa! “QORMADA MAANTA”

Maahmaahdan waxay muujisa qofku hogaamiye ama qof aan ahayn ha noqdee markuu khaladaad badan u gaysto waxa ka lunta kalsoonida waxaana ku bata walaaca iyo walbahaarka.

Dulucda warbixintan haddaan u dego magaalada Garoowe ayaa Madaxweyne Cabdiweli Gaas wuxuu amray shalay markuu ka war helay in Madaxweynihii hore Puntland inuu ku soo wajahanyahay in laga hortago in dadweynuhu soo dhaweyaan.

Saxaafadda ayaa sidoo kele looga digay baahinta Sanetor Faroole balse amarkaasi ma shaqayn waxayse la yaab ku noqotay dad badan arrintan oo muujinaysa kaligii talasnimo inay ugu darsantay Gaas oo la isku raacsan yahay inuu fashilmay saddex sanno oo uu hayey hogaanka Puntland.

Dhan kele Madaxweyne Gaas ayaa fashil iyo waji gabax kala hoyday doorashadii Madaxtinimada Soonaaliya 8 2 Muqdisho ka qabsoontay taasoo xilli abaaro iyo colaado jiraan uu kharash badan iyo waqtiba geliyey.

Ugu danbayn Cabdiraxmaan Faroole oo Garoowe maanta wariyeyaashu ku waydiyeen inuu wado qorshe Gaas ka dhana ayuu sheegay beeniyey balse xusay in xukuumada Gaas ay baqayso maddaama aysan waxba qaban.

Hadalka Faroole iyo waxqabad xummada xukuumada Gaas way is leeyihiin waxaana muuqata in kalsooni darro ay hayso maddaama ay dhagaro badan ka galeen Shacabka Puntland oo aad ugu hanweynaayen.

Marka miyaan diidi karna in Gaas iyo xullufadisu ay yihiin dhagar qabayaal dhulku la dhaq dhaqaayo iyagon moogayn khaladaadka tira beelka ah ee ay galeen kana galeen shacabka PL






|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

-- Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com --

Comments are closed.