(Dhageyso) Faroole oo si adag uga hadlay Siyaasad Xumada Madaxweyn Gaas.

Moos Bukeeni February 15, 2017 Comments Off on (Dhageyso) Faroole oo si adag uga hadlay Siyaasad Xumada Madaxweyn Gaas.
(Dhageyso) Faroole oo si adag uga hadlay Siyaasad Xumada Madaxweyn Gaas.

Cabdiraxmaan Sheikh Maxamed Faroole oo ka mid ah xildhibaanada Aqalka Sare ee Dowlada Somalia ayaa maanta dib ugu laabtay Magaalada Garowe,

Madaxweynaha ayaa waxaa Garoonka ilaa Bartamaha Magaalada Garowe ku soo dhaweyay qeybaha kale duwan ee bulshada ku dhaqan Magaalada garowe,

Madaxweynihii hore ee puntland oo ka soo laabtay Magaalada Muqdisho ayaa mudo ka badan bil halkaasi ku maqnaa si uu kaga qeybgalo doorashdii Madaxweynaha Somalia.

Madaxweynaha ayaa marki Garowe lagu soo dhaweeyay ka dib waxaa uu shir jara’id ku qabtay hoyga uu Garowe ka dagan yahay kana hadlay xalado dhowr ah oo xiligan ka jira Puntland.

Cabdiraxman Faroole ayaa waxaa uu ka waramay in Madaxda Puntland ee Madaxweyne gaas uu horkacayo ay ku fashilmeen in ay la kala saftaan xubnihii musharaxiinta ahaa ee tartan doorashada Madaxweynaha Somalia.

Wuxu ku eedeeyay xukuumada Madaxweynaha Cabdiwele in ay dhaqaale fara badan ka qadeen Puntland si ay ugu ololeyaan qeyb ka mid ah musharaxiinta ay puntland aad u daneyneysay basle uu sheegay in ay ku guul dareysteen.

Halkan Hoose ka dhageyso codka Faroole.







|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

-- Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com --

Comments are closed.