Dhageyso: Madaxweynaha Puntland oo ku faanay Horumar balaaran Seddexdii sanno ee uu joogay Xafiiska

Faarax February 27, 2017 Comments Off on Dhageyso: Madaxweynaha Puntland oo ku faanay Horumar balaaran Seddexdii sanno ee uu joogay Xafiiska
Dhageyso: Madaxweynaha Puntland oo ku faanay Horumar balaaran Seddexdii sanno ee uu joogay Xafiiska




Madaxweynaha Puntland Dr C/weli Maxamed Cali gaas oo Waraysi siiyay Idaacadda Daljir ee Maxaliga ah ayaa kaga hadlay dhinacyo badan oo uu sheegay in horumar uu ka gaaray intii uu xafiiska joogay.

wuxuu ka hadlay safaro badan oo Pl dibadiisa ah iyo horumarka uu ka sameeyay safaradaas inkastoo dadka ay safaradas dhinac kale ka egayaan.

waxuu ka hadlay intii uu joogay in uu dib u habayn xoggan uu ku sameyay Wasaaradaha dowladda iyo kaabayaasha Dhaqaalaha.

Inkastoo weriyaha uusan weydiin Arrimo badan oo u baahan in Shacabka ay jawaab u helaan oo wakhtigaana ka taagan Puntland haddana Waraysiga Madaxweynaha ayaa dhinacyo badan taabanayay.

Hoos ka Dhagesyo waraysiga Madaxweynaha Puntland







|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

-- Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com --

Comments are closed.