(Dhageyso)Xildhibaanada Golaha Degaanka Garowe oo Musuq Maasuq ku Eedeyay Hay’ada Care.

Moos Bukeeni February 15, 2017 Comments Off on (Dhageyso)Xildhibaanada Golaha Degaanka Garowe oo Musuq Maasuq ku Eedeyay Hay’ada Care.
(Dhageyso)Xildhibaanada Golaha Degaanka Garowe oo Musuq Maasuq ku Eedeyay Hay’ada Care.

Xildhibaanada Golaha Degaanka Degmada Garowe ayaa maata joojiyay Mashruucii dhireynta ay Hay’adda Care International ka waday Magalada Garowe.

Xildhibaanada ayaa tagay goobaha ay Hay’ada ka bilowday hirgelinta dhireynta Mashruuca Magaalada Garowe oo in mudo ah la sugayay.

Xildhibanadan ayaa sheegay in talaabadan hirgelinta mashruuca dhireynta Magalada ay tahay mid aan loo marin wadiiqooyinka loo baahnaa sida ay sheegeen.

Qeybka mid ah xildhibaanada ayaa socdaal iyo booqasho ku tagay meelihii ay ka socdeen howsha dhireynta Caasimadda iyadoo ay qabteen shir jaraa’id oo ay arintaas kaga waramayaan.

Hadalka xildhibaanada Golaha Degaanka Degmada Garowe ayaa waxaa uu ka dambeeyay ka dib markii ay shalay Hay’ada Care Magaalada Garowe si rasmi ah uga furtay hirgelinta Mashruuca dhireynta Garoe.

Ugu dambeyn xildhibaanada Golaha Degaanka Garowe ayaa sheegay in Hay’ada Care ay musuq Maasuqday Barnaamijka dhireynta Caasimada.







|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

-- Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com --

Comments are closed.