Hub-Gaadiidka aan Xabaduhu Karin iyo Agab kale oo lagala baxay Madaxtooyada Somalia.

Moos Bukeeni February 15, 2017 Comments Off on Hub-Gaadiidka aan Xabaduhu Karin iyo Agab kale oo lagala baxay Madaxtooyada Somalia.
Hub-Gaadiidka aan Xabaduhu Karin iyo Agab kale oo lagala baxay Madaxtooyada Somalia.


Warar hoose oo ay helayaan warbaahinta Somalia ayaa waxay sheegayaan in xarunta Villa Somalia ee Magaalada Muqdisho lagala baxay Hub-Agab- iyo Gaadiid.

Xubno ka tirsan Xafiiska Madaxweynihii hore ee Dowlada Somalia Mudane Xasan Shiekh Maxamuud ayaa laga soo xigtay xaqiijinta wararka sheegaya in arintan ay ka dhacday Magalada muqdisho.

Dadka sameynaya howshan ayaa waxaa la sheegay in ay uga faa’ideysanayaan xalada kala guurka ee ka jirta Magaalada muqdisho Madaama Madaxweynaha cusub uu san weli la wareegin xarunta Villa Somalia.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in dadka ka dambeeya arintan ay yihiin xubno ku dhow Madaxweynihii hore Xasan Sheekh taasi oo la sheegay in ujeedkoodu ay tahay sidii ay kala guurka uga faa’ideysan lahaayeen.

shacabka ku dhaqan Magalada Muqdisho ayaa sheegaya in Gaadiid ay ka mid yihiin kuwa aanay xabadaha karin, gaadiidka ciidamada iyo hub  lagala baxay Keydka hubka ee Madaxtooyada oo ah Keydka 3aad ee Wasaaradda Gaashaandhigga.

ma jiro qof si toos ah uga hadlay arintan iyadoo inta badan xiliyadan oo kale marka la gaaro xaaladaha kala guurka ah ay shaqsiyaadka uga faa’ideystaan sidii ay xatooyo u sameyn lahaayeen.






|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

-- Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com --

Comments are closed.