Madaxweyne Farmaajo oo Xilal cusub isla maanta Magacabay kadddib la wareegista Xafiiska

Faarax February 16, 2017 Comments Off on Madaxweyne Farmaajo oo Xilal cusub isla maanta Magacabay kadddib la wareegista Xafiiska
Madaxweyne Farmaajo oo Xilal cusub isla maanta Magacabay kadddib la wareegista Xafiiska


Madaxwayne Farmaajo ayaa Dr. Ali Said Faqi u magacaabay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada ama Chief of Staff Xafiiska Madaxweynaha.

Dr. Faqi waa aqoonyahan, wuxuuna saaka ka hor ahaa Danjiraha Soomaaliya uga wakiilka ah Dalalka Biljam, Holland iyo Luxembourg iyo Ururka Midowga Yurub waxayna xaruntiisu ahayd magaalada Brussels kal hore.

Madaxweynaha ayaa horay Siyaad Maxamuud Shire u magacaabay Agaasimaha Habmaamuuska Madaxtooyada ama Madaxa Protocol-ka Madaxweynaha.

Siyaad oo in muddo ah u soo shaqeeyay dowladdu wuxuu hadda saaka ka hor ahaa Qunsulka Guud ee Jiddah, ka horna Qunsulka Nairobi.

Xuseen Macalin Maxamuud ayuu Madaxweynaha Cusub u magacabay lataliyaha dhanka amniga isagoo horay uga soo shaqeyay Sirdoonka Qaranka.






|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

-- Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com --

Comments are closed.