Madxweyne Gaas oo dib u dhigay Isku shandhayn labadaan Cisho la filayay in uu ku dhawaaqo sababo badan awadeed

Faarax February 27, 2017 Comments Off on Madxweyne Gaas oo dib u dhigay Isku shandhayn labadaan Cisho la filayay in uu ku dhawaaqo sababo badan awadeed
Madxweyne Gaas oo dib u dhigay Isku shandhayn labadaan Cisho la filayay in uu ku dhawaaqo sababo badan awadeed


Madaxwaynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali gaas ayaa waji gabax kala kulmay siyaasiin uu doonayey in uu xukumadiisa ku soo daro ka dib markii ay diideen in ay ka mid noqdaan Golihiisa wasiirada taasi oo sababtay in uu dib u dhac ku yimaado isku shaan dhayntii la filayey malmahan in uu sameeyo.

qaar ka mid ah dadka diiday in codsigiisa oo uu la hadlay weriye Maxamed Siciid Yusuf ayaa waxaa ay u sheegeen in aysan doonayn in ka mid noqdaan xukumada madaxwayne Gaas oo dhinac walba kaga fashilantay howlihii loo igmaday.

dhinaca kale xogaha aan ka helayno Madaxtoyada Bosaaso ayaa sheegay in madaxwaynuhu dhawaan u dhoofi doono dalka imaaraadka carabta isagoo aan wax isbadal ah aan ku samayn xukumadiisa.

Madaxweyne Gaas ayaa sidoo kale ku dhici la’a in uu xilka ka xayuubiyo Wasiirada awodda sheegta ee aan loo geli Karin isagoo ka baqaya in ay samayn ku yeelato ama ay keento Isbedel kale oo deg deg ah.

Siyaasad xumada Madaxweyne Gaas ayaa maraysa meeshi ugu saraysay ebed waxaana arrimahan walaac xoggan ka muujinaya shacabka PL oo ay isugu darsoontahay Jahwareer Siyasadeed, Abaaro iyo Sicir barar sameeyay Noolasha guud ahan Puntland.






|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

-- Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com --

Comments are closed.