(Sawiro) Faah faahin dheeraad ah oo ka soo baxaysa Dagaal ka dhacay Tuulada Qalimow.

Moos Bukeeni February 14, 2017 Comments Off on (Sawiro) Faah faahin dheeraad ah oo ka soo baxaysa Dagaal ka dhacay Tuulada Qalimow.
(Sawiro) Faah faahin dheeraad ah oo ka soo baxaysa Dagaal ka dhacay Tuulada Qalimow.




Wararka ka imaanaya Tuulada Qalimow oo ka mid ah Tuulooyinka ku yaala Degmada Jowhar ee gobalka Sh/dhexe ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay Dagaal xoogan oo u dhaxeeyay Ciidamada Dowlada Somalia Iyo Ciidamo Taabacsan Maleeshiyadda Kooxda Al-shabaab.

Dagaalkan oo laysu Adeegsaday hubka noocyadiisa kale duwan ayaa waxaa uu xogiisa ka dhacay meel u dhow tuulada qalimow uu ku taala duuledka dhinaca koonfureed e Magaalada Jowhar.

Dagaalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay ka dib markii ciidama tabacsan Maleeshiyada Kooxda Al-shabaab ay weerar ku qaadeen Fariisim ay ciidamada Dowlada Ku leeyihiin Deegaankaasi.

Qaar ka mid ah dhinacyadii Dagaalamayay ayaa dagaalkiisa lagu soo waramayaa in ay ku geeriyoodeen iyadoo ay jiraan maxaabiisa ay kala qabsadeen dhinacyadii dagaalamayay.

Xubno ka mid ah saraakiisha ciidamada Dowlada Somalia iyo masuuliyiinta Masuuliyiinta maamulka Goalka Sh/dhexe ayaa garay goobta uu Dagaalka ka dhacay.

Madasha Dagaalka uu ka dhacay ayaa waxaa lagu soo bandhigay Maxaabiis iyo qaar ka mid ah meydadka ciidamo ka tirsan Al-shabaab oo Dagaalka lagu dilay,






|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

-- Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com --

Comments are closed.