(Sawiro) Farmaajo oo Caawa ku hooyana Madaxtooyada Somalia iyo Xasan Shiekh oo ka guuray.

Moos Bukeeni February 16, 2017 Comments Off on (Sawiro) Farmaajo oo Caawa ku hooyana Madaxtooyada Somalia iyo Xasan Shiekh oo ka guuray.
(Sawiro) Farmaajo oo Caawa ku hooyana Madaxtooyada Somalia iyo Xasan Shiekh oo ka guuray.

Madaxwaynaha cusub ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa maanta si rasmi ah (16-Feb-2017) xilka ugala wareegay madaxwaynihii hore mudane Xasan Shiikh Maxamuud,kaddib munaasib lagu qabtay Villa Somalia.

Madaxwaynihii hore ayaa madaxwaynaha cusub ku wareejiyay dukumintiga dowladda, hadiyado magaca Soomaaliya uu kusoo qaaday oo isagu jira dahab iyo luul,sidoo kale wuxuu ku wareejiyay calanka Soomaaliya.

Afhayeenka Baarlamaanka,Gudoomiyaha aqalka sare,Ra’iisul wasaare ku xigeenka ahna ku simaha wasiirka koowaad,dhammaan saraakiisha ciidanka dalka iyo masuuliyiin kale ayaa goobta joogay.

Madaxwayne Farmaajo ayaa Xassan Shiikh ku amaanay wuxuu qaranka usoo qabtay, waxa kale uu u mahad celiyay beesha caalamka iyo ciidamada nabad ilaalinta u jooga Dalka, Farmaajo ayaa shacabka ugu baaqay inay dowladda la shaqeeyaan maadama dowladu tahay mid shacab, caalamkana wuxuu sheegay in lala tartami karo.

Madaxwaynihii hore ayaa dhankiisa balan qaaday inuu la shaqayn doonno dowladda cusub. Sawiradda munaasibadda maanta ayaa ka qaaday






|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

-- Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com --

Comments are closed.