Somaliland oo diiday Passaporka Somaliga ah ee lagu sameeyo Buuhoodle

Moos Bukeeni February 14, 2017 Comments Off on Somaliland oo diiday Passaporka Somaliga ah ee lagu sameeyo Buuhoodle
Somaliland oo diiday Passaporka Somaliga ah ee lagu sameeyo Buuhoodle

Maamulka Somaliland ee Waqooyi galbeed Somalia ayaa ku dhawaaqay oo diiday gebi ahaanba baasaboorka Somaliga ah ee lagu sameeyo Magalada Buhoodle ee gobalka Cayn.

Hadalka Masuuliyiinta Maamulka Somalia ee ay ku diidayaan baasaboorkaasi ayaa waxay ku sheegeen s warsaxaafadeed kasoo baxay wasiirka arrimaha gudaha maamulkaas Yaasiin Faratoon oo kasoo jeeda beesha Dhulbahante.

Dadka ku dhaqan Magaalada Buuhoodle ee qaara Baasboorka Somaliga ah ayaa sheegay in ay aad uga xun yihiin talaabadaan ay ku dhaqaaqeen Masuuliyinta Maamulka Somaliland iyagoo sheegay in ay caqabad weyn tahay.

Hase ahaatee warar hoose oo ay warbaahinta heleyso ayaa sheegaya in ujeedka ay somaliland taalabadan u qaaday ay tahay mid ay dooneyso sidii ay dabooli lahayd ceebtii dhawan ku dhacday Madaxweyne Galeydh.

Warsaxafadeed uu ku saxiixnaa Faratoon ayaa lagu yiri, “Qof wata Baasboorka Soomaaliya oo Buuhoodle kasoo qaatay kamasoo dagi karo Soomaaliland.

Wararka lagu kalsoon yahay oo ay heshay Puntlandnews ayaa sheegaya in Cali Khaliif uu maamulka Soomaaliland ka codsaday inay u xiraan garoonka Buuhoodle.






|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

-- Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com --

Comments are closed.