Somaliland oo Hargeysa ku Xirtay Wariye Cabdi Maalik Muuse Coldoon.

Moos Bukeeni February 15, 2017 Comments Off on Somaliland oo Hargeysa ku Xirtay Wariye Cabdi Maalik Muuse Coldoon.
Somaliland oo Hargeysa ku Xirtay Wariye Cabdi Maalik Muuse Coldoon.


Wararka ka imaanaya Magaalada Hargeysa ee Xarunta Maamulka Somaliland ayaa sheegaya in halkaasi lagu xiray  Wariye Cabdi Maalik Muuse Coldoon oo ka mid ah bahda warbaahinta Somaliyed ee ka soo jeeda Degaanada Waqooyiga Somalia.

Wariyaha ayaa lagu xiray Xabsiga weyn ee Magaalada Hargeysa xili uu ka soo Dagay Garoonka DIyaaradaha ee Magaaladaasi kana soo laabtay Magaalada Muqdisho.

Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon oo ka mid ah bahda Warbaahinta ee dhinaca samafalka ka shaqeeya ayaa maalmihii ugu dambeyay wuxuu ku sugnaa Magaalada Muqdisho ee Xarunta Somalia.

CIidamo ka tirsan kuwa AMniga SOmaliland ayaa Wariyaha ku sugayay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Hargeysa halkaasi oo ay markii dambey ka soo kaxeysteen ka dibna ay xabsiga u taxaabeen.

majiro qof masuul ah oo ka tirsan Madaxda maamulka SOmaliland ee ka hadlay xariga Magaalada Hargeysa loogu geystay Wariye Cabdili Maalik Muuse Coldoon.






|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

-- Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com --

Comments are closed.