Wasaarada Deegaanka Puntland oo dhir ku beeraysa magaalada Garowe.

somalia February 14, 2017 Comments Off on Wasaarada Deegaanka Puntland oo dhir ku beeraysa magaalada Garowe.
Wasaarada Deegaanka Puntland oo dhir ku beeraysa magaalada Garowe.


Wasiirka Wasaaarada Deegaanka Puntland  Cali  Cabdulaahi Warsame oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Garowe ayaa sheegay inay Garowe  ku  beerayaan 2, 000 oo geed  oo noocyo kala duwan isugu jira.

Dr, Cali oo hadalkan ka jeediyay daahfurka mashuur lagu dhiraynayo magaalooyinka waa way nee Puntland waxa uu  geedkii ugu horeeyay salka u dhigay  wadada tagta madaxtooyad Garowe, waxa uu sheegay  in qorshahaan uu  yahay mid lagu dhiraynayo qaar kamida waddooyinka Garowe iyo Xarumaha Dawladda.

Wasiirka ayaa ugu danbayn  Reer Garowe iyo guud ahaan Shacabka Puntland   ugu baaqay in qofkasta uu geed beero, wasaaraduna ay bilaash  ku siinayso dhirta oo diyaarsan, waxaana uu tilaamay in arintaan haddii ay hirgasho ay kor u qaaadayso bilicda magaalooyinka waa wayn ee Puntland.

Magaalada Garowe muddooyinkii danbe waxaa ka soconayay barnaamijyo kala duwan oo dhirayn ah,kuwaasoo ay wadaan dhalinyaro iskood isu abaabulay.

 

 






|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

-- Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com --

Comments are closed.