Agaasimihii Warfaafinta Madaxtooyada Somalia oo xilka laga qaaday.

Moos Bukeeni March 20, 2017 Comments Off on Agaasimihii Warfaafinta Madaxtooyada Somalia oo xilka laga qaaday.
Agaasimihii Warfaafinta Madaxtooyada Somalia oo xilka laga qaaday.


Qeybaha kale duwan ee warbaahinta ku sugan maagalada Muqdisho ayaa helaya warbixino kale duwan oo ku saabsan in xil ka qaadis lagu sameeyay shadoor xaaji Maxamuud oo ahaa Agasimihii Warfaafinta Madaxtooyada Somalia.

Xilka laga qaaday Shadoor ayaa waxaa  Loo soo  Magacaabay C/nuur Axmed Maxamed oo Ahaa Ragii ka Qeyb qaatay Ololihii Madaxweyne Maxamed C/llahi Farmaajo.

Shador xaaji  ayaa waxaa uu ka mid ahaa dhalinyarada fir fircoon ee ka dhax shaqeeyay Madaxtooyada Magaalada Muqdisho iyadoo la sheegayo in xil kale loo magacaabi doono sida wararka lagu helayo.

Sharciga shaqaalaha rayidka dowladda Somalia ayaa waxaa  uu dhigaya qofka marka xil laga qaado ama Waax laga bedelo loo wareejiyo waax kale.

Inta badan Madaxda Soomaalida ayaa waxaa caada u ah, marka ay xafiiska la wareegaan inay soo dhoweystaan dadka ugu dhow, waxaana dhaqankan uu ahaa mid soo jireen ah oo laga bartay Madaxdii hore oo ay ka hoos-shaqeyn jireen saaxibo la ah

|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

-- Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com --

Comments are closed.