Dhageyso: Ciidanka Daraawiishta Puntland oo been abuur ku tilmaamay in Mushaaradkoodi la siiyay, Fariina u diray Shacabka

Faarax March 8, 2017 Comments Off on Dhageyso: Ciidanka Daraawiishta Puntland oo been abuur ku tilmaamay in Mushaaradkoodi la siiyay, Fariina u diray Shacabka
Dhageyso: Ciidanka Daraawiishta Puntland oo been abuur ku tilmaamay in Mushaaradkoodi la siiyay, Fariina u diray Shacabka




Taliye ku xigeenka ciidanka darawiishta Puntland iyo Sarakiil sarsare oo kale ayaa Garowe maanta Saxaafadda ugu sheegay in 30 bilood oo mushahaar iyo adeega uu kaga maqan yahay xukuumada madaxweyne Cabdiweli Gaas waxayna been abuur ay ku tilmaameen war qoraala oo dhawaan wasaaradda Maaliada ee PL ay ku sheegtay in ciidamo gadood sameeyey ay mushaharka ka cabnayeen hore loo siiyey.

Saraakiisha ciidmada difaaca Puntland oo Saxaafadda kula hadlay taliska ciidamada xooga dallka Somaaliya 54aad ee Garoowe ayaa sheegay in mushahaar fara badan uu ka maqanyahay ciidamada tan iyo intii talada u qabtay Cabdiweli Maxamed Cali Gaas 2014.

Saraakishan ciidamada difaaca Pl ayaa Shacabka iyo qaybaha bulshada ku dhaliilay inaysan ka damqanayn dhibaatooyinka soo foodsaaray oo inaysanba ogaynba daryeelanta haysata ciidamad xilli ay shegeen in la dayacay ubadka iyo qoysaskii marxuumo ka tirsan oo geeriyooday iyagoo dicaafacya Pl halka aan la daryeelin dhaawacyada iyo ka xanuunsada.

Hadalka madaxda ciidamada Puntland ayaa jawaab u ah ka dib dhawaan markii ay qaar ka mid ah cutubyada ciidamadu ay gadood ay ka sameyeen mushaharaad ka maqan taasoo ay wasaaradda maaliyaddu ay beenisay waxaana sida muuqata arrintani ay ka cadhaysiisay inta badan saraakiisha ciidamada Puntland iyagoona xusay inaysan aqbalayn in been laga sheego lana duudsiiyo xaquuqda ka maqan.

Hoos Ka Dhageyso:

Saraakiisha hadashay waxaa kamid ah.

1-General Deyr Xaaji Cabdi, Taliye ku xigeenka Ciidanka Daraawiishta Puntland

2. G/Sare Maxamed Ducaale Ayax Taliyaha ururka Taliska Guud ee Daraawiishta Puntland

3- Maxamuud Axmed Gubadle Afhayeenka Ciidanka Daraawiishta Puntland


 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

(Dhageyso) Faah faahin Koontaroolka Magaalada Garowe oo lala Wareegay. 






|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

-- Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com --

Comments are closed.