(Dhageyso) Puntland oo sheegtay in Dad Abaar darteed isu dileen.

Moos Bukeeni March 16, 2017 Comments Off on (Dhageyso) Puntland oo sheegtay in Dad Abaar darteed isu dileen.
(Dhageyso) Puntland oo sheegtay in Dad Abaar darteed isu dileen.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakiin Cumar Camey ayaa sheegay in Dad ay  gudaha Puntland isu dileen dhibaatada Abaaraha ka jirta Awgeed.

Ugu yaraan lix ruux oo dad reer guura ahaa ayaa lagu soo waramayaa in ay abaaraha ka jira puntland isu dileen sida uu Madaxweyne ku xigeenka sheegay.

Dadkan isu dilay dhibaatooyinka Abaaraha ka jira Gudaha Puntland ayaa waxay ahaayeen dadka xoolahoodii ay ku dhamaaden Abaaraha xoogan ee ka jira Dalka Somalia.

Ugu dambeyn Madaxweyne ku xigeenka wuxuu sheegay in xoolaha yar ee xiligan dadka xoolo dhaqatada u haray ay usii dhimanayaan dhibaatooyinka abaaraha ka jira Puntland.

Halkan hoose ka dhageyso codka Madaxweyne ku xigeenka.







|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

-- Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com --

Comments are closed.