Dowlada Somalia oo 24saac ka dib ka hadashay Xasuuq lagula kacay Qaxooti Somaliyeed.

Moos Bukeeni March 18, 2017 Comments Off on Dowlada Somalia oo 24saac ka dib ka hadashay Xasuuq lagula kacay Qaxooti Somaliyeed.
Dowlada Somalia oo 24saac ka dib ka hadashay Xasuuq lagula kacay Qaxooti Somaliyeed.


24saac ka dib markii Duuqeyn ba an loo geystay Dooni ay la socdeen Qaxootiga Somaliyeed oo ku safrayay xeebaha Dalka Yaman ayaa markii ugu horeysay waxaa dhacdadaasi ka hadlay Dowlada Somalia.

Qaxootiga Somalida ah ee ka amba baxay Dalka Yaman ayaa ku sii jeeda Dalka Suudaan iyagoo ka cararay dhibaatooyinka Colaadaha baahsan ee ka jira Dalka Yaman waxaana Duqeynta ay ka dhacday Xeebta Xudeefiya ee Wadanka Yemen.

Siihayaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya C/salaan Hadliye Cumar ayaa sheegay in Qaxootigii Soomaalida ahaa ee Shalay lagu Xasuuqay Xeebaha Yemen ay Mas’uul ka yihiin Isbaheysiga uu Sacuudigu Hogaamiyo iyo Dowladda Yemen ee QM ay Aqoonsan tahay.

“Waxaan ka Xunnahay Xasuuqa Foosha Xun ee lagula kacay Muwaadiniinta Soomaalida ah ee ku Safrayay Doonta,kuwaas oo ahaa Qaxooti Mudo ku noolaa Yemen,balse hadda doonayay in ay Nolol u raadsadaan meelo kale,wax la Aqbali karo ma ahan,waxaana Mas’uul ka ah Xulufadda Isbaheysiga la dagaalamaya Xuutiyiinta Yemen”ayuu yiri Wasiir Haddliye.

Sacuudiga iyo Mareykanka ayaa sheegay in aysan jirin wax duqeyn ah oo ay ka geysteen Xeebaha Yemen,waxaana Gantaal lagu dhuftay Doon ay la socdeen Soomaali Qaxooti ah ku dhintay 42 Ruux ,halka 80 kale ay ku dhaawacmeen.






|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

-- Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com --

Comments are closed.