Gudoomiyaha cusub ee Midowga Africa oo gaaray Muqdisho.

Moos Bukeeni March 18, 2017 Comments Off on Gudoomiyaha cusub ee Midowga Africa oo gaaray Muqdisho.
Gudoomiyaha cusub ee Midowga Africa oo gaaray Muqdisho.




Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka dagay Wefdi heer caalami ah ee uu hogaaminayo Gudoomiyaha cusub ee Midowga Africa Mousa Faki oo ka dagay Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cade.

Masuuliyiin ka tirsan DOwlada SOmalia Maamulka Gobalka Banadir iyo qaar ka mid ah Gudoomiyayaasha degmooyinka Gobalka Banaadir ayaa ka qeybgalay soo dhaweynta Gudoomiyaha Midowga Africa Mousa Faki.

Gudoomiyaha Midowga Africa ayaa booqashadan uu maanta ku tagay Magaalada Muqdisho waxay noqoneysaa tii ugu horeysay tan iyo markii dhawaan xilkaasi loo doortay.

Mousa Faki ayaa waxaa ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Muqdisho Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre iyo Madaxa howl galka AMISOM iyo Saraakiisha Ciidamada AMISOM.

Amniga Magaalada Muqdisho ayaa si weyn loo adkeeyay iyadoo booqashadan gudoomiyaha ee gudaha Magaalada Muqdisho loo xiray dhammaanba wadooyinka Muhiimka ah ee Magaalada Muqdisho.






|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

-- Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com --

Comments are closed.