Hassan Shiekh Maxamuud oo u amba baxay Dalka Turkiga.

Moos Bukeeni March 17, 2017 Comments Off on Hassan Shiekh Maxamuud oo u amba baxay Dalka Turkiga.
Hassan Shiekh Maxamuud oo u amba baxay Dalka Turkiga.


Madaxweynihii hore ee Dalka Somalia Mudane Xasan Sheikh Maxamuud ayaa maanta ka dhoofay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho isagoo ku jeeda Dalka Turkiga.

Madaxweynaha ayaa waxaa safarkiisa ku wehlinaya Qeyb ka mid ah ehelkiisa iyadoo xubno kale oo ehelkiisa ka mid ah ay kaga sii horeeyaan dalkaasi Turkiga.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Somalia Mudane Maxamed Sheikh Osmaan Jawaari Wasiiro Labaatameeyo ah oo hore dowladiisa uga tirsanaa iyo xubno Saraakiil ciidan ah ayaa ku sii sagootiyay Garoonka Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa inta uusan ka dhoofin Garoonka Muqdisho la hadlay Warbaahinta waxaana uu sheegay in dalka Turkiga uu bilaha soo socda sii joogi doono ka dibna uu dalka ku soo laaban doono.

Xasan Sheekh ayaa la filayaa inuu noqdo Madaxweyne dalka soo maray oo aan dal kale weydiisan magangalyo siyaasadeed, iyadoo Madaxdii horay xilalka u soo qabatay looga bartay inay dalal dibadda ah magangalyo ah muddo degenaayeen, qaarkoodna ay magangalyo ahaan u joogeen, waxaa la xusuustaa inuu ka mid ahaa dadkii aan marnaba dalka ka tagin kaddib bur burkii dowladdii dhexe ee sanadkii 1991.






|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

-- Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com --

Comments are closed.