Kooxda Jabhada Mucaaradka Dalka Yaman oo Dilay 26 Qaxooti Somalia ah.

Moos Bukeeni March 17, 2017 Comments Off on Kooxda Jabhada Mucaaradka Dalka Yaman oo Dilay 26 Qaxooti Somalia ah.
Kooxda Jabhada Mucaaradka Dalka Yaman oo Dilay 26 Qaxooti Somalia ah.




Wararka ka imaanaya Dalka Yaman ayaa sheegaya in halkaasi Duqeyn xoogan ay ka dhacday iyadoo lagu soo waramayo in dhimasho iyo dhaawac ay ka soo gaartay Qaxooti Somaliyeed,

Inta la og yahay 26 ruux ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhinteen Gantaal ay ku tuureen jabhada Mucaaradka ah ee dalkaasi ka dagaalanta.

Ilo laamaha caafimaadka ka tirsan oo ku sugan dekedda jabhaduhu maamulaan ee Hodeidah ayaa sheegay in dadka dhintay ay ku jiraan haween iyo dhallaan, dad kale oo badan oo dhaawac ahna loo wareejiyay isbitaallada magaalada.

Ilaalada xeebaha ayaa saxafiyiinta u sheegay in qaxootigan oo wata warqado aqoonsi oo rasmi ah oo ay bixisay hay’adda qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay ay u sii socdeen Suudaan marka ay weerartay diyaarad kuwa qumaatiga u kaca ah.

Ilaa iyo hadda lama oga cidda weerarka gaysatay.

Dalka Yemen ayuuse dagaal sokeeye oo xun ka jiray tan iyo bishii saddexaad ee sanadkii 2015kii; saddex meloodow labo ka mid ah bulshada dalkaasina waxay qarka u saaran yihiin in ay maculuuli ku habsato.

|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

-- Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com --

Comments are closed.