Markabkii Aris 13 oo si sharuud la aan ah lagu sii dayay.

Moos Bukeeni March 17, 2017 Comments Off on Markabkii Aris 13 oo si sharuud la aan ah lagu sii dayay.
Markabkii Aris 13 oo si sharuud la aan ah lagu sii dayay.




Wararka ka imaanaya Degmada Caluula ee gobalka Bari ayaa sheegay in maanta halkaasi laga sii dayay Markabkii Aris 13 oo ay dhawaan qabsadeen dhalinyaro isku sheegtay in ay Kallumeysato yihiin.

Sii deynta Markabkan ayaa waxay ka dambeysay ka dib markii Ciidamada badda Puntland ay go’doomin geliyeen dhalinyarada gacanta ku hayay Markabkaasi kuwaasi oo baqdin ka muujiyay in ciidamaddu laayaan.

Sidoo kale Wararka ayaa sheegaya in sii deynta markabkaasi gacan dheeraad ah ku lahaayeen Odayaasha iyo Maamulka Degaankaasi kuwaasi oo dhankooda waan waan ka galay sidii ay dhalinyarada Markabka usii deyn lahaayeen.,

Dadka degaanka Degmada Caluula ayaa warbaahinta u sheegay in Markabka Aris 13 iyo shaqaalaha la sii daayay kuwaasi oo ay amnigooda la wareegeen ciidmada badda ee Maamulka Puntland.

2012kii ayay ahayd markii ugu dambeysay ee Markab ka goosha xeebaha Dalka Somalia ay afduubtaan Kooxaha hubeysan ee Burcad badeeda iyadoo talaabada Afduubka ay baqdin xoog leh gelisay dad badan oo ka cabsi qabay in ay soo laabteen Kooxihii Burcad badeeda ahaa.






|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

-- Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com --

Comments are closed.