Mooshin laga Diyaariyay Madaxweyne Shariif Xasan Shiekh Aadan.

Moos Bukeeni March 16, 2017 Comments Off on Mooshin laga Diyaariyay Madaxweyne Shariif Xasan Shiekh Aadan.
Mooshin laga Diyaariyay Madaxweyne Shariif Xasan Shiekh Aadan.




Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobalka Baay waxaa ka soconayay shirarkii ugu dambeeyay ee mooshinka looga keenay Madaxweynaha Maamulka Koonfur galbeeda Somalia shariif xasan shiekh Aadan.

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Maamulkaasi ayaa maanta kulan ay ku yeesheen Magaalada Baydhabo waxay ku shaaciyeen in halkii ugu dambeeyay uu marayo mooshinka laga keenay Madaxweynaha shariif Xasan SHiekh Aadam.

Mid ka mid ah xildhibaanada Maamulkaasi ayaa sheegay shir jaraa id uu ku qabtay Magalada Baydhabo wuxuu sheegay inaan dib looga laaban doonin mooshinkaasi laga keenay Madaxweynaha Maamulkaasi.

Sidoo kale xildhibaankan ayaa waxaa uu sheegay in 20ka bishan Maarso Magaalada Baydhabo uu ka dhici doono kalfadhi aan caadi ahayn kaasi oo mooshinka looga keenayo Madaxweynaha shariif xasan shiekh Aadam

Dhawaanaha ayaa shirar arimaha mooshinka looga arinsanayo waxay ka kale soconayeen Magaalooyinka Baydhabo iyo Muqdisho,






|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

-- Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com --

Comments are closed.