Qaar ka Mid ah Wadooyinka Muhiimka ah ee Magaalada Muqdisho oo saaka Xiran.

Moos Bukeeni March 18, 2017 Comments Off on Qaar ka Mid ah Wadooyinka Muhiimka ah ee Magaalada Muqdisho oo saaka Xiran.
Qaar ka Mid ah Wadooyinka Muhiimka ah ee Magaalada Muqdisho oo saaka Xiran.


Wararka ka imaanaya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Ciidamada Amniga Dowlada Somalia ay saaka Xireen Wadooyinka Muhiimka u ah isu socodka dadka iyo gaadiidka Magaalada Muqdisho.

Shacabka ku dhaqan Magaalada Muqdisho ayaa si weyn saaka ula yaabay in ay ku soo kala heen Wadooyiinkii Muhiimka ahaa oo ay ciidamada Dowlada Xireen taasi oo keentay in dadka lugeeyaan kuwa kalan lugta loo diiday.

Meelaha ugu muhiimsan oo ay ciidamada xireen ayaa waxaa ka mid ah Isgoyska Banaadir, Zoope KM4, Taleex, Dabka illaa Sayidka,iyadoo aanu jirin wax dhaq dhaqaaq gaadiid ah oo ay dadku isticmaalayaam.

Wararka qaar ayaa sheegaya in waddooyinka muhiimka ah ay u xiran yihiin, imaansaha wafdi ka socda Midowga Afrika  oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha cusub ee Midowga Afrika.






|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

-- Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com --

Comments are closed.