Sarkaal Ethopian ah oo isku dal dalay Gobalka Gedo.

Moos Bukeeni March 16, 2017 Comments Off on Sarkaal Ethopian ah oo isku dal dalay Gobalka Gedo.
Sarkaal Ethopian ah oo isku dal dalay Gobalka Gedo.

Sarkaal la sheegay inuu ka tirsan yahay ciidamada Itoobiya ee ku sugan Somaliya ayaa isku dhex dilay xero ciidamada Itoobiya ay ku leeyihiin Degmada Garbahaareey ee Gobolka Gedo.

Dilka uu isku geystay Sarkaalkaan, ayaa waxa uu dhacay xalay fiidkii, markii sida la sheegay loo diiday Sarkaalkaan fasax uu ka dalbaday taliyihiisa.

Sarkaalka is dilay ayaa la sheegay inuu doonaayay fasax hal bil ah oo qoyskiisa oo ku sugan dalka Itoobiya uu u aado, balse Saraakiisha isaga ka sareysa ayaa diiday fasaxaasi, sida Saraakiil ciidamada dowladda ka tirsan ay xaqiijiyeen.

Wararka waxa ay sheegayaan Sarkaalkaan inuu galay qol ku dhex yaalo xerada ciidamada, halkaasina uu isku dal-dalay, iyadoo mar kaliya laga war helay meydka Sarkaalkaasi oo dhex yaala qolka.

Maanta barqadii ayaa Diyaarad meydka Sarkaalka waxa ay ka qaaday Degmada Garbahaarey, waxaana la geeyay Magaalada Baydhabo, halkaasi oo lagu wado in looga sii gudbiyo Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.






|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

-- Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com --

Comments are closed.