(Sawiro) Gudoomiyaha Midowga Africa oo ka hadlay Xaalada Abaaraha Dalka Somalia.

Moos Bukeeni March 18, 2017 Comments Off on (Sawiro) Gudoomiyaha Midowga Africa oo ka hadlay Xaalada Abaaraha Dalka Somalia.
(Sawiro) Gudoomiyaha Midowga Africa oo ka hadlay Xaalada Abaaraha Dalka Somalia.




Gudoomiyaha Midowga Africa Mousa Faki ayaa kulan la qaatay Madaxda Sare ee Dowlada Federaalka Somalia sida Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Reysalwasaare Xasan Cali Kheyre.

Madaxda Dowlada Somalia iyo Gudoomiyaha Midowga Africa ayaa ka wada hadlay Xaladaha Abaaraha iyo Arimaha amaanka Dalka Somalia.

Gudoomiyaha ayaa marka hore u mahad celiyay madaxda Dowlada Somalia sida wacan oo ay maanta ugu soo dhaweeyeen Magaalada Muqdisho isagoo sheegay in booqashadan ay noqon doonto Mid taariiqi ah.

Madaxweynaha Dowlada Somalia Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhankiisa sheegay in booqashada Gudoomiyaha Midowga Africa uga mahad celinayaan sida wacan oo uu ahaa Arimaha Amaanka diirada u saaray.

Sido kake Madaxda Dowlada Somalia ayaa Gudoomiyaha Midowga Africa u sheegay in Madaxda Midowga Africa ay muujiyaan Taageeridooda muhiimka ah ee ku aadan in ay ka qeybqaataan xaalada Abaaraha ka jira Somalia.






|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

-- Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com --

Comments are closed.