(Sawiro) Sallaad Roob doon ah oo Maanta lagu oogay Laascaanood.

Moos Bukeeni March 16, 2017 Comments Off on (Sawiro) Sallaad Roob doon ah oo Maanta lagu oogay Laascaanood.
(Sawiro) Sallaad Roob doon ah oo Maanta lagu oogay Laascaanood.


Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobalka Sool waxaa Maanta lagu qabtay Dibad bax Alla bari roobdoon ah oo ALlaah lagu weydiisanayay in dhibaatada Abaarta uu Umadiisa ka dulqaado.

Culimada ugu caansan gobalka Sool ayaa dibadbaxaasi ka qeybgalay iyadoo madasha Dibadbaxa Alla bariga roobdoonka lagu qabanayay lagu oogay labada Sallaad Alle bari roobdoon ah.

Qeyb ka mid ah Culimada Diinta ee Magalada Laascaanood ayaa madasha ka soo jeediyay Ducooyin Allaah lagu weydiisanayay in dhibaatada Abaarta Colaada iyo Sicir bararka ka dulqaado Umada muslimiinta ah.

Dadka ka qeybgalay Dibadbaxaasi ayaa waxay isugu jireen Qeybaha ay ka kooban tahay bulshada ku dhaqan Mgaalada Laascaanood iyadoo dhammaan ay dadka ka wada sinaayeen Ducooyinka Alla bariga ah.

Sidoo kale Magaalooyin ka mid ah Dalka Somalia sida Garowe oo kale aya iyana maanta lagu qabtay Dibadbax Allaah lagu weydiisanayay in dhibta uu umadiisa ka dulqado.






|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

-- Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com --

Comments are closed.