(Sawiro)-Shir ku saabsan Xuduudeynta Gobalada Puntland oo Garowe lagu qabtay.

Moos Bukeeni March 18, 2017 Comments Off on (Sawiro)-Shir ku saabsan Xuduudeynta Gobalada Puntland oo Garowe lagu qabtay.
(Sawiro)-Shir ku saabsan Xuduudeynta Gobalada Puntland oo Garowe lagu qabtay.

Magaalada Garowe ee Xaunta Puntland waxaa maanta lagu qabtay shir si weyn loo soo agaasimay kaasi oo diirada lagu saarayay sidii loo xuduudeyn lahaa dhammaanba degmooyinka Gobalada Puntland.

Shirkan ayaa waxaa ka qeybgalaya xubno ka mid ah gudoomiyayaasha degmooyinka Iyo gobolada Puntland iyadoo xubnaha shirkan ka qeybgalaya ay ka mid yihiin Xubno ka tirsan Golaha xukuumadda Puntland.

Shirkan ayaa maalmaha soo socda waxaa uu ka socon doona Magaalada Garowe iyaddoo ay soo qaban qaabiyen xubnaha ugu sareeya Dallada ururada bulshada rayidka aan dowliga ahayn ee Punsaa.

Gudoomiyaha Dallada Ururada bulshadda Rayidka ee Puntland Nuur Shire Cosmaan ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay bur burkii dowladdii dhexe ee Somalia ay sameysmeen Degmooyinka iyo gobolo ku dhisan qaab qabiil ah.

Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa sheegay in xiligan ay muhim  tahay sidii laysaga kaashan lahaa sidii loo xuduudeyn lahaa dhammaanba degmooyinka Gobolada Puntland.

Qaar ka mid ah xubnaha Golaha xukuumadda oo shirkan ka qeybgalay ayaa dhankooda sheegay in ay aad ugu farax san yihin qabashada shirkan iyagoo sheegay in waqti hore loo baahnaa in la qabto shirkan.

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????






|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

-- Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com --

Comments are closed.