(Sawiro) Tirada dadka ku dhintay Duqeyn loo geystay Qaxooti Somali ah oo sii kordhay.

Moos Bukeeni March 18, 2017 Comments Off on (Sawiro) Tirada dadka ku dhintay Duqeyn loo geystay Qaxooti Somali ah oo sii kordhay.
(Sawiro) Tirada dadka ku dhintay Duqeyn loo geystay Qaxooti Somali ah oo sii kordhay.

Inta la og yahay 42 ruux oo qaxooti somali ahaa ayaa lagu soo waramayaa in ay ku geeriyoodeen Duqeyn dhanka cirka ah oo loo geystay Dooni ay la socdeen Qaxotigaasi.

Dadka ku dhintay Duqeyntaasi ayaa lagu soo waramayaa in ay u badan yihiin Carruur Haween Dhalinyaro iyo dad waa weyn oo Donidaasi saarnaa iyadoo warar kale duwan ay ka soo baxayaan cida falkaasi ka dambeysay.

Inka badan Tirada dadka ku dhintay Weerarka iyo DUqeynta ayaa lagu soo waramayaa in xiligan lagu daweynayo Xarun caafimaad oo ku taala Magaalada Xudeiydah halkaasi oo dhaqaatiirtu ay ku daweynayaan.

Qaar ka mid ah Dadka Qaxootiga Somalida ah ee halkasi ku sugan ayaa booqday dhaawacyada dadka wax ku noqday Duqeyntasi iyadoo qeyb ka mid ah dhaawacyadana la sheegayo in ay yihiin kuwa aad u culus.

Qaxotigan Somalida ah oo saarnaa Dooni nooca Tahriibayasha Qaada ah ayaa ka amba baxay Xerada Al Qaraj waxayna ku  sii jeedeen Dalka Suudaan halkaasi o ay doonayeen in ay ka sii tahriibaan.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ku dhawaad 80 ruux ay ka bad baadeen Weerarkasi dhanka cirka ah iyadoo wararka qaarna ay sheegayaan in dadka xiligan duqeynta loo geystay ka carareen dhibaatooyinka Dalka Yaman.






|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

-- Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com --

Comments are closed.