(Warsaxaafadeed)Mareykanka iyo Sacuudiga oo sid adag uga hadlay Duqeyntii ka dhacday Dalka Yaman

Moos Bukeeni March 18, 2017 Comments Off on (Warsaxaafadeed)Mareykanka iyo Sacuudiga oo sid adag uga hadlay Duqeyntii ka dhacday Dalka Yaman
(Warsaxaafadeed)Mareykanka iyo Sacuudiga oo sid adag uga hadlay Duqeyntii ka dhacday Dalka Yaman




Ayadoo ciidamada Sacuudiga lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen duqeyntii lagu laayay Afartameeyo ruux oo Soomaali ah oo doon la socday xeebaha dalka Yemen ayaa haddana afhayeeno u hadlay isbahaysiga Carbeed ee Sacuudigu hogaaminayo ee hawlgalka military ka wada dalka Yemen iyo waaxda difaaca Maraykanka waxay sheegeen inay jirin wax  duqeyn ah oo diyaaradahooda dagaalka ka fuliyeen biyaha badda Yemen.

Afhayeenka ciidamada huwanta ah ee Yemen jooga Jen Axmed Al-Cassari oo la hadlay wakaaladda Wararka Reuters ayaa sheegay in ogaantiis ay jirin wax duqeyn oo ay ka geysteen xeebaha dalka Yemen waxaana uu iska fogeeyay in ciidamadooda ay bartilmaameydsadeen doon dad qaxooti ah saarnaayeen.

Afhayeenkaan waxaan sidoo kale uu sheegay in goobta ay dhacdadaan muwaadiniinta Soomaalida ah lagu laayay ay ka taliyaan kooxda Xuutiyiinta sidaa darteedna ay dhankooda waxba ka ogeyn dhacdadaas sida uu yiri.

“Dekedda Xudayda waa goob ay maamulaan maleeshiyaadka Xutiyiinta ayaga ayaana u adeegsada hub kala gudbinta iyo tahriibinta dadka waxaana xaqiijinayaa inay ciidamadeenu agagaarkaas wax hawlgal ah ka sameyn” ayuu yiri sargaalka u hadlay ciidamada Sacuudiga ee Yemen ka dagaalamaya.

Sidoo kale afhayeen u hadlay waaxda difaaca Maraykanka oo la yiraahdo Adam Stump ayaa asna dhankiisa sheegay inay jirin wax hawlgal ah oo ciidamadooda ka sameeyeen dalka Yemen bad iyo barriba 24 kii saac ee lasoo dhaafay.

Qaar ka mid ah dadkii ka bad baaday weerarkii lagu dilay in ka badan 40 ruux oo Soomaali ah oo sida Q,M sheegtay u socday dalka Sudan ayaa warbaahinta u sheegay in diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah oo nooceeduna ahaa Apacha ay rasaas aan kala joogsi laheyn la dhacday doonta.

Sidoo kale dadka bad baaday ayaa sheegay inay jireen doonyo nooca dagaalka ah oo iyana weerarkaasi ka qeyb qaatay.

Ibraahim Cali Siyaad qof la yirahdo oo ka mid ah dadkii weerarkii Yemen ka bad baaday ayaa u sheegay wariye ka tirsan wargeyska New York Times inuu arkay dadkii la socday oo rasaas tiro badan ku dhacayso oo dhan walbana u daadanaya anagoo ku qaylinayna buu yiri “Waxaanu nahay qaxooti Soomaaliyeed”

Dadka falanqeeya arrimaha ciidamada waxay aaminsan yihiin in diyaarada weerarka geystay ee nooceedu yahay Apacha A-64 inay adeegsadaan ciidamada Sacuudiga iyo kuwa Maraykanka oo kaliya waana ay adag tahay in koox Xuutiyiinta oo kale ah ay helaan diyaaradahaan oo kale.

Q,M hay’adaheeda socdaalka iyo qaxootiga qaabilsan waxay sheegeen in muwaadiniinta Soomaaliyeed ee la laayay ay heysteen warqado sharci ah oo ay ku safri karaan oo ay Q,M siisay waxayna u socdeen dalka Sudan ayagoo ka baxsanaya dagaalka Yemen.

Hawl wadeena caafimaadka ayaa sheegay in meydadka dadka Soomaalida oo meel la dhigay la waayay ay hadda ku xareeyeen talaajado loogu talo galay in kaluunka lagu qabooyiyo.






|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

-- Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com --

Comments are closed.