16Ruux oo cudurka Shuban biyoodka ugu Geeriyootay Gobalka Sanaag.

Moos Bukeeni April 20, 2017 Comments Off on 16Ruux oo cudurka Shuban biyoodka ugu Geeriyootay Gobalka Sanaag.
16Ruux oo cudurka Shuban biyoodka ugu Geeriyootay Gobalka Sanaag.

Wararka laga helayo Magaaladda Xiin Galool ee gobalka Sanaag ayaa sheegaya in halkaas ay ku geeriyoodeen ugu yaraan 16 ruux oo la sheegayo inuu saameyn xoog leh ku yeeshay Cudurka Shuban biyoodka.

24kii saac ee la soo dhaafay ayaa Cudurkan waxaa uu si kulul uga dilaacay Gudaha Magaalada Xiingalool iyo Degaanada ku xeeran sida ay warbaahin u sheegeen dhaqaatiirka Caafimaadka Magaaladaasi.

Maxamed Cali Shire oo ka Mid ah Howlwadeenada Caafimadka Cisbitaalka Guud ee Magaalada Xiingalool ayaa sheegay in dadka ay xiligan la daalaa dhacayaan Saameynta uu ku reebay cudurkaasi.

Sidoo kale Dr Maxamed Cali Shire wuxuu sheegay in xiligan Dad badan oo Bukaano ah kuwaasi oo uu soo ritay cudurka shuban biyoodka ay yaaliin Xarunta cisbitaalka Magaalada Xiingalool.

Arinta Cudurka Shuabn biyoodka ayaa ka dambeysay ka dib markii ay sii korortay baaxadda Abaarta Dadka iyo Duunyadda Saameynta xoogan ku yeelatay ee ka jirta Degaankaasi.

Wasaaradda Cafimaadka Puntland ayaan weli ka hadlay Saameynta uu yeelanayo cudurka shuban biyoodka oo ka dilaacay Magaaladda Xiingalool Dadna ay la il daran yihiin.






|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

-- Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com --

Comments are closed.