Ciidamada Gal-Mudug oo soo bad baadiyay 8 Badmaax u dhashay Dalka Hindiya.

Moos Bukeeni April 13, 2017 Comments Off on Ciidamada Gal-Mudug oo soo bad baadiyay 8 Badmaax u dhashay Dalka Hindiya.
Ciidamada Gal-Mudug oo soo bad baadiyay 8 Badmaax u dhashay Dalka Hindiya.

Ciidamada Amniga Maamulka Gal-Mudug ayaa soo bad baadiyay Sideeda Badmaax oo u dhashay Dalka Hindiya kuwaasi oo Todobaad ka hor ay Afduubteen Koox Burcad Badeed Soomaaliyeed.

Badmaaxiinta ayaa lagala Dagay Doon Nooco Ganacsiga ah oo ay u rarneyd Ganacsatada Magaalada Kismaayo xili ay doontaasi Mareysay Degaanada Xeebaha ah ee Gobalka Mudug.

Ciidamada Amniga Maamulka Gal-mudug ayaa usuura gashay in ay ka soo furtaan Kooxdasi badmaaxayaasha u dhashay Dalka Hindiya kuwaasi oo maanta ka amba baxay Dekadda Magaalada Hobyo ee Gobalka Mudug.

Gudoomiyaha Maamulka Degmada Hobyo ee Gobalka Mudug Cabdullaahi Axmed Cali Faat ayaa hormuud u ahaa howlgalka ay ciidankaasi ku soo furanayeen Badmaaxiinta u dhashay Dalkaasi Hindiya.

Sidoo kale qeyb ka mid ah Odayaasha dhaqan Magalada Hobyo ayaa dhankooda Qeyb weyn ka ahaa Dadaalkii baaxadda weyn ee lagu soo bad baadiyay Ajaaniibtaasi.

Sidoo kale warar qaar ayaa sheegaya in Ciidanka Amniga Maamulka Gal-Mudug ay gacanta ku soo dhigeen Afar ka mid ah Kooxdii Burcad badeeda ahayd kuwaasi oo iminka la geeyay Magaaladda Gaalkacyo.






|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

-- Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com --

Comments are closed.