Daacish oo la wareegtay Degaano hoostaga Degmada Qandala.

Moos Bukeeni April 18, 2017 Comments Off on Daacish oo la wareegtay Degaano hoostaga Degmada Qandala.
Daacish oo la wareegtay Degaano hoostaga Degmada Qandala.




Maleeshiyo Taabacsan Kooxda Daacish ayaa lagu soo waramayaa in ay qabsadeen Degaan ka mid ah kuwa hoostaga Degmada Qandala ee Gobalka Bari.

Dadka degaanka Saaan oo ka Mid ah Degaanada Degmada Qanadala ayaa Warbaahinta u sheegay in Maleeshiyadda Kooxda Daacish ay Degaanka la wareegeen iyagoo xanibay isu socodka gaadiidka degaankaasi.

Sidoo kale Dadka degaanka ayaa sheegay in ay cabsi iyo wal wal xoogan ka Muujiyeen Qabsashadsa Degaanka Saan oo ay sida lama filaanka leh ula wareegeen Maleeshiyadda Kooxda Daacish.

la wareegitanka Degaanka ee Maleeshiyada Kooxda Daacish oo aan la ogeyn ujeedka dhabta ah ee ka dambeeyay ayaa hadana beryihiin ugu dambeeyay Maleeshiyaddu waxay isku aruursanayeen meel u dhow degaanka ay qabsadeen.

Qeyb ka mid ah dadka degaanka Saan ee gobalka Bari ayaa warbaahinta u sheegay in tirada dadkii ugu badnee ee deegaanka ku sugnaa ay isaga barakaceen gurihii ay deganayeen Cabsi iyo wal wal xoogan oo ay ka muujiyeen Maleehsiyaddaasi.






|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

-- Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com --

Comments are closed.