Dowladda Puntland oo Daah-furtay Tiro-koobka Shaqaalaha rayidka ah ee dowladda Puntland (sawiro)

Faarax April 24, 2017 Comments Off on Dowladda Puntland oo Daah-furtay Tiro-koobka Shaqaalaha rayidka ah ee dowladda Puntland (sawiro)
Dowladda Puntland oo Daah-furtay Tiro-koobka Shaqaalaha rayidka ah ee dowladda Puntland (sawiro)


Si rasmi ah ayay dowladda Puntland u Daahfurtay maanta Tiro koob rasmi ah oo lagu sameyn doono Shaqaalaha rayidka ah ee dawladda, waxaana kulan ay ka qeybgaleen Madax kasocota Madaxtooyada, Wasaaradda Sh/Shaqaalaha, Guddigu Dibu habeynta Shaqaalaha & Bangiga Aduunka ayaa ka dhacay Garoowe.

Madaxda dowladda Puntland ayaa ka sheegay madashan in ay talaabadan tahay mid bogaadin mudan, oo la tiro koobi doono Shaqaalaha rayidka ah ee dawladda Puntland, ayna heli doonan Xaquuqahooda.

Gudoomiyaha Hay`adda Shaqaalaha Puntland Mustaf Siciid Shabac oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay in Shaqaalaha la tiro koobi doono, ayna qeyb ka tahay barnaamijka dawladda ee dibu habeynta Shaqaalaha oo dhan.

Mr, Shabac wuxuu sheegay in si cadaalad ah loo gali doono tiro koobkan, isagoo mar kale hoosta ka xariiqey in ay  dowladda Puntland, gaar ahaana guddigoodu ku shaqeynayaan nidaam hufan oo la hubiyey.

Hanti Dhowraha guud ee dowladda Puntland Jaamac Maxamed Cismaan oo ahaa Shaqsigii lagu bilaabay tiro-koobka ayaa bogaadiyey talaabada ay iska kaashanayaan Bangiga Aduunka & Guddigu Dibu habeynta Shaqaalaha dowladda.

Agaasimaha Madaxtooyada dawladda Puntland Abdinaasir Biixi Soofe ayaa cadeeyey in Xaquuqda Shaqaalaha la ilaalin doono, oo aysan jiri doonin cid lagu tumanayo Xaquuqdooda, isagoo guddigana kula dardaarmay in ay ilgaar ah ku eegaan Xaquuqda dadka howlgabka ah.

Wasiirka Shaqada & Shaqaalaha ee dowladda Puntland Cabdiraxmaan Sh Axmed Cabdulle ayaa ka sheegay kulankan in dhamaan kooxaha ka socda Guddiga Dibu habeynta Shaqaalaha dawladdu ay tagi doonaan dhamaan degmooyinka dalka ee ay joogaan shaqaale, isla markaasna ay soo tiro koobi doonan.






|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

-- Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com --

Comments are closed.