(Dhageyso) Afdalow oo ku faanay inuu is badal ku sameeyay Amniga Gaalkacyo.

Moos Bukeeni April 20, 2017 Comments Off on (Dhageyso) Afdalow oo ku faanay inuu is badal ku sameeyay Amniga Gaalkacyo.
(Dhageyso) Afdalow oo ku faanay inuu is badal ku sameeyay Amniga Gaalkacyo.


Taliyaha qeybta Gobalka Mudug Cismaan Xasan Cawke Afdalow oo la hadlay qaar ka Mid ah Warbaahinta ka howlgala Degaanadda Puntland ayaa si rasmi ah u sheegay in isbadal weyn lagu sameyay Amniga Magaalada Gaalkacyo.

Taliyaha waxaa uu sheegay in xiligan si caadi ah laysugu haleyn karo Amniga Magaalada Gaalkacyo iyadoo ciidamada Amniga Magaaladaasi ay wax weyn ka badleen Amniga Magaaladaasi.

Taliyaha wuxuu soo hadal qaaday in tan iyo markii ciidamada amniga Magaalada Gaalkacyo howlgal ka sameeyeen Gudaha Magaaladaasi ay ku soo qab qabteen dad badan oo falal amaan xumo waday.

Dadka la so qab qabtay ayaa waxaa lagu eedeeyay in ay ahaayeen kuwa dambiyo kale duwan ka geystay Gudaha Magaalada iyo Daafaheeda.

Dadka uu tilmaamay Taliyaha qeybta Gobalka Cismaan Xasan Cawke Afdalow waxaa uu sheegay in ay geysteen Dambiyo la xeriira Kufsi,Dhac Babuur,iyo Qal qal gelinta Amniga Magaaladda Gaalkacyo.

guud ahaan dadka lagu soo qab qabtay howlgaladdii ugu dambeeyay oo ay ciidamada ka sameeyeen magaalada Gaalkacyo ayaa xiligan ku xiran Xabsiga weyn ee Magaalada Gaalkacyo,

Halkan Hoose ka dhageyso Codka Taliyaha.







|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

-- Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com --

Comments are closed.