(Dhageyso) Maamulka Degmada Qandala oo Beeniyay in Daacish Qabsatay Degaanka Saan.

Moos Bukeeni April 18, 2017 Comments Off on (Dhageyso) Maamulka Degmada Qandala oo Beeniyay in Daacish Qabsatay Degaanka Saan.
(Dhageyso) Maamulka Degmada Qandala oo Beeniyay in Daacish Qabsatay Degaanka Saan.


Jaamac Maxamed Quurshe oo ah Gudoomiyaha Maamulka Degmada Qandala ee Gobalka Bari ayaa sheegay in ay been Abuur yihiin wararka sheegaya in Maleeshiyadda Kooxda Daacish Qabsatay Degaano ka Mid ah Degmadaasi.

Gudoomiyaha ayaa wax laga xumaado ku tilaamay in warbaahinta gudaha qeybtood buun buuniyeen Warar been Abuur ah oo sheegayay in Maleeshiyadda Kooxda Dacish ay Degaankaasi ku xoog badan tahay.

Gudoomiyaha waxaa uu sheegay in Daacish ay ku sugan yihiin Degaanada Buuraleyda ah ee Gobalka Bari balse aysan ku xoog badneyn xiligan Degaanada Hoostaga Degmada Qandala ee Gobalka Bari.

Ugu dambeyn Gudoomiye Jaamac Maxamed Quurshe wuxu soo hadal qaaday in xukuumadda ay u diyaargaroobeyso sidii ay Buuraleyda uga saari lahayd Maleeshiyadda Kooxda Daacish.

Halkan Hoose ka dhageyso Codka Gudoomiyaha Degmada Qandala.







|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

-- Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com --

Comments are closed.