Madaxweynaha Puntland oo Deg deg ugu Duulay Magaalada Muqdisho.

Moos Bukeeni April 13, 2017 Comments Off on Madaxweynaha Puntland oo Deg deg ugu Duulay Magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha Puntland oo Deg deg ugu Duulay Magaalada Muqdisho.


Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Gaalkacyo waxaa Saaka si deg deg uga Duulay Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo shalay ka dagay Magaalada Gaalkacyo.

Madaxweynaha ayaa waxaa Safarkiisa ku wehlinaya Xubno ka mid ah Golaha Wasiiradda Punttland oo ka raacay Magaaladaa Gaalkacyo si ay qeyb uga noqdaan Wefdiga Puntland ee uu u yeeray Madaxweynaha Somalia.

Madaxweynaha oo Sfarkiisa aan Warbaahinta loogu shaacin ayaa waxaa uu qeyb ka yahay Safar ay Magaalada Muqdisho ku tagi doonaan Xubnaha Madaxweynayaasha Maamul goboleedyada Somalia.

Madaxweynaha Dowladda Somalia Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhawaan Fariin u Diray Madaxweyneyaasha Maamul goboleedyada Somalia kuwaasi oo la doonayo ugu dambeyn in ay beri muqdisho ka dagaan.

Ujeedka loogu yeeray Madaxweyneyaasha ayaa waxaa lagu sheegay in ay tahay sidii looga arinsan lahaa Qaabka ay xubnaha Dowlada Somalia iyo Madax Maamul goboleedyada uga qeybgali doonaan shirka May ee London.

Shirkaasi ayaa waxaa looga wada hadli doonaa Arimaha Xaaladda Abaaraha Somalia iyo dib u dhiska ciidamada Amniga Somalia si ay u wiiqaan Awooda Kooxda Al-shabaab.






|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

-- Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com --

Comments are closed.