Madaxweyne Cali Cabdullaahi Cosoble oo gaaray Degmada Buulabarde.

Moos Bukeeni April 20, 2017 Comments Off on Madaxweyne Cali Cabdullaahi Cosoble oo gaaray Degmada Buulabarde.
Madaxweyne Cali Cabdullaahi Cosoble oo gaaray Degmada Buulabarde.




Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle Cali Cabdullahi Cosoble iyo Taliyaha ciidamada AMIOSM ee dalka Jabuuti ayaa tagay magaalada Buula Burte ee gobolka Hiiraan.

tagista masuuliyeentaasi iyo wafdiga la socda ayaa waxa uu daba socdaa ka dib shalay dil degmadaasi loogu geystay askari ka tirsan ciidamda AMISOM gaar ahaan kuwa Jabuuti.

Dilka askarigan oo ka dhalisay xiisad magaalada Buuloburte ayaan jirin illaa iyo hadda cid loo qabtay,waxayna wararka ka imanaya magaalada Buuloburte ay sheegayaan in haatan ay socdaan kulamo albaabada loo xirtey.

Sidoo kale waxaa magaalada Buuloburte saakay gaaray guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jayte iyo saraakiil ka tirsan ciidamada dowlada.

Ciidamada AMISOM qeybtooda dalka Jabuuti ayaa inta badan waxa ay ku sugan yihiin degmooyinka gobolka Hiiraan.






|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

-- Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com --

Comments are closed.