Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxda Maamul Goboleedyada oo ku kulmay muqdisho.

Moos Bukeeni April 15, 2017 Comments Off on Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxda Maamul Goboleedyada oo ku kulmay muqdisho.
Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxda Maamul Goboleedyada oo ku kulmay muqdisho.


Magaalada Muqdisho waxaa Maanta ka furmayo shir ay isugu imaan doonaan Madaxweynaha Dowladda Somalia Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Hogaamiyayaasha Maamul Goboleedyada Somalia.

Hogaamiyayaasha Maamul goboleedyada Somalia ayaa labadii cisho ee ugu dambeeyay waxay ku qul qulayeen Magaalada Muqdisho iyadoo qeyb ka mid ah xubnaha Maamulkaasi ay hore u joogeen Magaalada Muqdisho.

Muhiimada ugu weyn ee Masuuliyiintan ay kulankooda ugu yeelan doonaan Magalada Muqdisho waxaa lagu sheegay inuu yahay mid ay diiradda ku saari doonaan Arimaha Xeriirka Dowlada SOmalia iyo Maamul Goboleedyada Somalia.

Sidoo kale Qodobada ay xubnaha ka hadli doonaan ayaa waxaa ka mid ah Sidii ay hal dhinac uga soo wada jeesan lahaayeen la Dagaalanka Maleeshiyadda Kooxda Al-shabaab iyo Arimaha shirka London ee dhawaan.

Dowlada Somalia iyo Madaxda Maamul goboleeyda Somalia ayaa DOwladda Uk ay si gaar ah shirkaasi ugu casuuntay iyadoo looga hadli doono Xaaladda Dalka Somalia.

Dhawaan ayay ahayd Markii Xoghayaha Arrimaha Dibadda  ee Dalka UK Boris Johnson Muqdisho kula kulantay Madaxda Maamul goboleedyada Somalia iyadoo shirka bisha May ee Magaaladda London lagu Casuumay.

Kulanka Muqdisho ee Madaxweyne Farmaajo Iyo Madaxda Maamul goboleedyada Somalia ayaa Noqon doona kulankii ugu horeeyay Madaxweynaha iyo Madaxda Maamul goboleedyada ku dhex Mara Muqdisho Tan iyo intii Farmaajo la doortay.

|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

-- Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com --

Comments are closed.