Meydad dhalinyaro Somali ah oo laga helay Xeebaha Gobalka Sanaag.

Moos Bukeeni April 16, 2017 Comments Off on Meydad dhalinyaro Somali ah oo laga helay Xeebaha Gobalka Sanaag.
Meydad dhalinyaro Somali ah oo laga helay Xeebaha Gobalka Sanaag.


Meydadka laba ruux dhalinyaro Somali ah ayaa lagu soo waramayaa in maanta laga hellay xeebta Degaanka Dur Duri ee gobalka Sanaag.

Dadka degaanka Dur Duri ee Gobalka Sanaag ayaa warbaahinta u sheegay in saaka Meydad Wiilasha dhalinyarada ah laga helay xeebta Degaankaasi.

Xalay saqdii dhexe ayaa lagu soo waramayaa in Saxiimad Siday Meydadka wiilashiisa ay soo dhigtay Xeebta Degaankaasi saakana ay halkaasi ku arkeen Dadka Degaanka halkaasi ku dhaqan.

Saxiimadda Meydadka dhalinyarada ah dhigtay Degaanka ayaan la garaneynin ilaa iyo xiligan halka laga leeyahay iyadoo aan la ogeyn ujeedka dhabta ah ee loo dilay dhalinyaradaasi.

Dadka degaanka Dur Duri ee gobalka Sanaag ayaa warbaahinta u sheegay in Meydadka dhalinyarada ay Rasaas ka muuqato iyadoo ay u eg tahay in si toos ah loo toogtay.

Ma jirin Wax war ah oo ka soo baxay Masuuliyiinta Maamulka Puntland ee Gobalka Sanaag iyagoo ka war bixinayay Ujeedka loo dilay dhalinyaradaasi iyo cida sida rasmiga ah u dambeysay.

Dadka degaanka Dur Duri ee gobalka Sanaag ayaa arintan wal wal xoogan leh ka muujiyay.

 






|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

-- Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com --

Comments are closed.